DALKA LUBNAAN OO YEESHAY XUKUUMAD KA KOOBAN 24..

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA DALKA LUBNAAN,NAWAF SALAAM.

(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda Beyruut ee dalka Lubnaan ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha cusub ee dalka Lubnaan Nawaf Salaam uu maanta oo Sabti ah sameeyey/dhisay dawladdii ugu horeysay ee rasmi ah tan iyo sannadkii 2022-kii,isaga oo wacad ku maray inuu sameyn doono isbedello qoto dheer oo uu fulin doono heshiis xabad joojin ah oo lala galay Isra’iil iyo inuu dib u soo ceshado kalsoonida Gobolka iyo tan caalamka Lubnaan. Magacaabistaan Golaha Wasiiradda dalka Lubnaan waxa ey ku soo beegantay wax ka yar afar todobaad ka dib markii Nawaf Salaam loo magacaabay xilka Reysal Wasaaraha dalka Lubnaan,in Lubnaan eysan xukuumad yeelan muddo seddex sano ku dhaw ayaa waxaa u sabab ah xisbiyadda dalka Lubnaan oo si ba’an isaga soo horjeedo waxaane bilo qaadatay in la dhammaystiro magacaabista Nawaf Salaam lana wada aqbalo in kastoo Xisbiyadda raacsan Ururka Xizbullahi eyba diideen Nawaf Salaam. Madaxweyne Joseph Cawn oo isgaa laftiisa la doortay 9-kii bishii Janaayo-2025-ka ka dib muddo laba sano uu kursiga Madaxweynaha Lubnaan uu banaanay. Joseph Cawn ayaa soo saaray bayaan waxa uuna sheegay inuu aqbalay Iscasilaada dawladdii hore ee ku meel gaarka ahayd,waxa uuna saxiixaay wareegto cusub uu Nawaf Salaam ku amraayo inuu soo dhiso Xukuumad cusub kana kooban ilaa 24-Wasiir kaliyah.

ISHA-AJ.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SHIRKII DAR ES SALAAM OO WAR LAGA SOO SAARAY..

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA DAR ES SALAAM.