DALKA KENYA DAD KU DHINTAY DAADAD QAADAY.
(SAWIRKA)-DAAD KU DHUFTAY KENYA.
(NAIROBI)-Dhawr wadan oo ku yaalo Geeska Afrika ayaa lagu wadaa iney la kulmaan kulayl ka dhashay heerkulka sare ayey tiri Xarunta Saadaasha Cimliada iyo Codsiyadda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano”ICPAC” ee Urur Goboleedka IGAD maanta oo Talaada ah. Saadashii ugu dambeysay ey soo saartay ICPAC-da ayaa lagu sheegay in kulaylku uu dhici doono maalmaha soo socdo in kasta oo inta badan Wadamadda Gobolka ey ku sugan yihiin Roobab ka culus kuwii caadiga ahaay inta lagu jiro xiliga Roobaabka kuna beegan inta u dhexeyso bilaha Maarso ilaa Meey-2024-ka. ICPAC-da ayaa tiri” Heerka kulaylka oo sareeyo ayaa la filaa in ka dhaco qeybo ka mida Koonfurta Soomaaliya iyo Koonfur-Bari Kenya,Gobolka Cafarta dalka Itoobiya iyo Qeybaha Waqooyi ee dalka Koonfurta Suudaan”,ICPAC ayaa intaas raacisay in heer kulka la filaayo uu gaari doon ilaa 32-Centigaeed. Dalalka Kenya,Tanzaniya,Burundi,Rwanda,Somaliya,Koonfurta Sudan iyo Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka haatan laga diiwaan geliyey iney ka di’i doonaan Roobab Mahiigaan ah oo gaaraayo ilaa 200-MM maalintii iyadoo Roobabkaasi ey keenayaan Fatahaadyo,sida ey sheegtay ICPAC. Warar ayaa sheegaayo in wadada isku xirta caasimadda Kenya ee Nairobi iyo Goboladda dalka ey ku dhinteen dad gaarayo ilaa 10-qofood,shan ka mida tobanka dhimatay ayaa waxa ey la socdeen Bas kaaso uu qaaday daadkii ka yimid Roobabakii Kenya ka da’ay.
ISHA/EA.
RIIX HALKAN.