DALKA INGIRIISKA:WAALIDIIN KA HADLAY…..
(INGIRIISKA):Waxa aan la soconaa waqtigii uu socday dagaalka lagula jiray kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq waxaa jiro caruur badan oo ku dhalatay amaba ku barbaaray qurbaha in kooxda Daacish duufsatay una dhoofeen goobaha eey Daacish ka dagaalanto,caruurtaas ayaa waxa eey isugu jireen gabdho iyo wiilaal aad u da’ayar oo qaarkood eeyba ka yar yihiin sideed iyo toban(18)-jiro,caruurataas la duufsaday ayaa badankooda waxa ka soo dhoofeen guud ahaan qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Ingiriiska,waxaane dhacday in gabdhihii yaryaraay ineey guursadaan rag u dagaalmaayey Daacish isla markaasne eey dhaleen caruur,markii uu dhammaaday daaglkiina waxaa diiday wadamadii eey ka tageen oo waxaaba dhacday in qaarkood lagala noqday dhalashadii la siiyey,hadaba waalidiintii dhashay caruurtaas ayaa waxa eey ka sheekeeyeen wixii kala qabsaday ayaga iyo booliska Ingiriiska waqtigii eey waayeen caruurtooda,arrintaan ayaa waxaa wax ka qoray waragayska THE GUARDIAN sidaan ayeyna sheekada ku bilaabeen qaar ka mida waalidiinta “Boolisku waxa uu inoola macaamilay sidii anagoo ah dembiilayaal”sidaas waxa yiri qoysaskii gabdhohooda Daacish u weday dalka Suuriya.Dawladda Ingiriiska ayaa eedeysay markii eey waraysanaysay waalidiinta ugu yimid in dawladda ka kaalmeyso sidii loo raadin lahaay gabdhahooda ka maqan.Faahfaahino la helay ayaa sheegaayo sida Booliska dalka Ingiriiska isugu dayey inuu dembi u yeelo qoysaska Ingiriiska ah ee caruurtooda duufsadeen Daacish(IS) kana dagaal geliyeen dalka Suuriya,waxayna waalidiintaas cadeeyeen marqaatina ka yihiin sida xun ee loola macaamilay sidii ayagoo ah dembiilayaal markaas ka dibne laga qaaday awoodii,mid ka mida waalidiinta caruurteeda aaday Suuriya si eey uga barbar dagaalamaan Daacish ayaa tiri”WAXAA NALOOLA MACAAMILAY ISDII ANAGOO AH DEMBIILAYAAL”,mid kale ayaa iyana tiri”WAXAA LA WEERARAY GURIGAYGA MARKAAN BOOLISKA UGU TEGAY INEEY INAGA KAALMEEYAAN SIDII AAN U HELI LAHAYN CARUURTAYNA INAGA MAQAN”.ISHA GUARDIAN.