DAHAB IYO DHEEMAN TAHRIIB AH OO LAGU QABTAY HINDIYA.
(SAWIRKA)-BOOLISKA HINDIYA.
(MUMBAI)-Ugu yaraan 14 qof oo Kenyan ah ayaa ka mid ah 18 qof oo ku xiran dalka Hindiya ka dib markii laga soo qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Chhatrapati Shivaji Maharaj ee magaalada Mumbai xilli ey doonayeen in ey tahriibiyaan dahab iyo dheeman.
Wararku waxa ey sheegayaan in 18-ka qof ey ciidamada Kastamka qabteen Talaadadii iyo Arbacadii toddobaadkan iyaga oo wata dahab iyo dheeman Warshadaysan. Isaga oo la hadlaya daqiiqado Saxafada xariga ka dib, saraakiisha Kastamku waxa ey xuseen in intii lagu guda jiray habsocodkii caadiga ahaa ee baarista Talaadadii, ey saraakiisha Ciidanka Ilaalada Warshadaha (CISF) ey ka heleen walxo laga shakiyay gudaha laptop-ka mid ka mid ah rakaabka. Rakaabka oo qorsheynayay inuu u sii socdo Bangkok, Thailand, oo ka yimid Hindiya ayaa la xiray Talaadadii, Febraayo 11, waxaana loo gudbiyay Qeybta Sirdoonka Hawada (AIU) ee Garoonka Diyaaradaha si su'aalo dheeraad ah loo weydiiyo. Intii ey su’aalaha weydiinayeen mas’uuliyiinta Kastamka ayaa la sheegay in rakaabka ey ka soo furteen 2147.20 carat oo dheeman ah oo qiimihiisu yahay 73 Milyan oo shillinka Kenya ah una dhiganta $566,020,doolarka Maraykanka ah kaasoo markii dambe lagu eedeeyay inuu jabiyay sharciga Kastamka. Dhacdadan ayaa ku qasabtay saraakiisha Kastamka in ey sare u qaadaan baaritaanada ka socda Garoonka, iyadoo saacado ka dib ey ciidamada xireen 14 qof oo Kenyan ah oo ka soo duulay garoonka diyaaradaha Nairobi. Markii su'aalo la waydiiyay, arrintaan ayaa dhacday Arbacadii, Febraayo 12keedii saraakiishu waxay soo heleen baararka dahabka ah ee dhalaalay 22-carat iyo dahab miisaankoodu yahay 2,741 garaam oo lagu qiimeeyay lacag u dhiganta 27.5-Milyan oo shillinka Kenya ah una dhiganta $213,226.50,doolarka Maraykanka ah. Sida laga soo xigtay danbi-baarayaasha u dhashay dalka Hindiya, Rakaabkii Kenyanka ahaa ee la socday ayaa la sheegay iney qariyeen baararka dahabka ah iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ee ku jira dharkooda hoose iyo jeebabka dharkooda. Ka sokow lacag dhan 27-Milyan oo shillinka Kenya una dhiganta $209,302.3, doolarka Maraykanka ah oo dheeman iyo dahab ah ayey saraakiishu waxay sidoo kale kasoo heleen baararka dahabka ah ee dhalaalay ee 22-carat oo aan la sheegan, culeyskooduna yahay 2,406 garaam oo qiimihiisu yahay 24-Milyanoo shillinka Kenya ah una dhiganta $186,046.51,doolarka Maraykanka ah oo yaalay dabaqa garoonka. Isla maalintaas, saraakiisha kastamku waxay sidoo kale xireen saddex rakaab ah oo ka yimid Dubai oo wata 24-carat oo ka samaysan dahab ceyriin ah iyo badhamada culeyskoodu yahay 775 garaam oo qiimihiisu yahay 9-Milyan oo Shiilinka Kenya ah una dhgiganta $67,767.44,doolarka Maraykanka ah. Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in seddexda qof ey ku qariyeen waxyaabaha ey wateen oo ku jiray suunka suunka iyo boorsooyinka waa weyn kuwaas oo tuhmanayaasha ey si qarsoodi ah u qaateen si aan loo ogaan. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa muujineysa kororka Ganacsiga Dahabka ee Hindiya, iyadoo qaar ka mid ah dadka Kenyaanka ah ey ku lug leeyihiin qatarta, taasoo keentay in Wadamada Aasiya ey soo rogaan talaabooyin adag.
ISHA-KENYAN.