DAGAAL MAR KALE KA QARXAY…

DAGAALKII CAATO.

(ADDIS ABABA)-Todobaadkaan waxaa Dawalad Degaanka Soomaaliyeed(DDS) weerar ku soo qaaday Kooxda Alshabaab,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay goboladda xuduuda la leh DDS-ta sida Bakool iyo Hiiraan waxaane dagaaladaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawacyo fara badan soona kala gaaray labada dhinac ee dagaalantay,Waxaane jirta in labada dhinac eey kala sheegteen ineey guulo ka gaareen dagaalka balse uusan dhinac seddexaad oo xaqjiiyey guulahaas. Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay ineey dileen 87-askeri kana tirsan Liyu Booloiska halka isna Liyu Boolisku sheegtay inuu dilay 100-dagaalame kana tirsan Alshabaab,dagaalkan ayaa ka dhacay Caato,Yeed iyo Feer Feer kana kala tirsan Bakool iyo Hiraan oo ah laba gobol oo ka tirsan dhulka xorta ah ee Soomaaliyeed. Maanta oo Jimca ah(29/7/22)-ka ayey hadana kooxda Alshabaab waxa eey weerar rogaal celin ah ku qaadeen Caato waxa eeyn ku garaaceen hoobiyeyaal iyo baabuur eey ka buuxaan waxyaabaha qarxa,goobaha dagaalku ka dhacay maalmihii la soo dhaafay waxaa ku sugnaay xildhibaano ka soo jeedo degaanka waxaane ka mid Xildhibaan Aadan Saransoor waxa uuna VOA-da laanteeda Soomaaliga u sheegay ineey arkeen meyd fara badan iyo gawaaridda Gaashaaman ee ciidamadda kuwaaso markii ugu horeysay lagu arko goobaha daagaalka,xildhibaan Saransoor ayaa sheegay in baabuurta Gaashaaman yihiin kuwii laga soo furtay ciidamadda nabada ilaalinta ee ka socdo wadamadda afrika ee AMISOM(ATMIS),hadaba dagaaladaan soo cusboonaday maanta ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidamadda dalka Itoobiya G/le Sare Tesfaye Ayalew waxa uuna sheegay isagoo u waramaayey wakaaladda wararka u faafiso dalka Itoobiya ENA in kooxda Alshabaab la gaarsiiyey jab aad u baaxad weyne lagana laayey tiro badan oo dagaalyahana ah lagana qabsaday hub kala duwan.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

FU’AAD SHONGOLE OO LA DILAY.

Next
Next

MAXKAMADA CAALAMIGA AH EE ICC-da OO….