DAD LOO SOO XIRAY WEERARKII DUGSIGA SARE.
(SAWIRKA)-POLICE-KA UGANDHA.
(KAMPALA)-Dawladda Ugaandha ayaa maanta oo Talaada ah(20/6/23)-ka sheegtay ineey soo xirtay seddex qofood oo lala xiriirinaayo iney ku lug lahaayeen weerarkii argagaxa lahaay ee ka dhacay Dugsiga Sare ee Lhubiriha ee degmada Kasese,weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay 42-qofood una badan arday,dadka geeriyooday weerarkaasi ayaa 37-qofood oo arday ah,17-arday ayaa gubatay welina aan la aqoonsan karin kuwa ey yihiin,waxaane la afduubtay lix arday oo kale oo weli gacntooda ku jira.
ISHA WARKA AA.