DAB KA KACAY HOYGA DUGSIGA GABDHAHA INDHAAH…
GABADH INDHAHA LA’A.
(KAMPALA)-Dab ayaa waxa uu qabsaday hoyga dugsi eey seexdaan ardayda Indhaha la’a waxa uuna dabka halkaasi ku dilay kow iyo toban gabdhood oo caruur ah,dugsiga ayaa ku yiil meel eey degan yihiin bulsho u badan reer baadiyo kana fog magaaladda caasimadda ah ee Kampala,sidaas waxaa si wadajir ah u sheegay maamulka dugsiga ey caruurtu ku dhinteen iyo ciidamadda booliska. Booliska ayaa hadalkiisa sii raaciyey ineey jiraan lix gabdhood oo qaba dhaawacyo halis ah xaaladooduna eey aad liidato laguna daaweynaayo isbitaaladda caasimadda Kampala,lamana yaqaano sababta dhalisay dabka ka kacay waqti dambe oo eey caruurtu wada hurdaan waxaane weli ku socdo baaritaan.
ISHA WARKA AP.