BOOLISKA MUQDISHO OO QABTAY QAAD AH..

(SAWIRKA)-QAADKA MUQDISHO

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ey gacanta ku dhigeen Qaad Kontorobaan ah kaaso dalka la soo geliyey, Qaadkaan ayaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho lagu soo geliyey Doon dhinaca bari ee magaaladda gaar ahaan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Afhayeenka Boolsika Soomaaliyeed C/fataax Aden Xasan ayaa sheegay in Qaadka lagu keenay Doon iyo Gaadiid,isla markaasne Booliska uu ka war haayey xogta Qaadka soo socdo ee Tahriibka ah. Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in la qabta seddex qofood oo ka mid ahaa dadkii Doomaha weday iyo sidoo kale Qaadkii ey wadeen kaaso lagu sheegay inuu dhan yahay ilaa 40-Jawaan. Afhayeenka ayaa digniin adag u diray Ganacsatada ku hawlan iney caasimadda Muqdisho soo geliyaan Qaad Kontorobaan ah,isagoo sheegay in laga qaadi doono talaabo adag. Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in la ogol yahay Qaadka si sharci ah dalka ku soo gala isla markaasne laga soo qaaday Canshuurta dalka ee ku waajibtay. Magaaladda Muqisho ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaan la keenin Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya ee loo yaqaan Mirowga,sababta keentay inuu istaago ayaa lagu sheegay kor u qaadista sicirka Qaadka ka yimaado Kenya oo la gaarsiiyey 100%, tusaale ahaan midkii ahaan jiray $350 waxaa laga dhigay $700,waane midaas tan joojisay Qaadkii Kenya inuu yimaado Muqdisho.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO CODSATAY INEY KA MID NOQOTO..

Next
Next

SOOMAALI LAGU TOOGTAY SACUDIGA MAANTA.