CULEYS SOO WAJAHAY QAXOOTIGA JOOGA BILJAM.
(SAWIRKA)-DALKA BILJAM.
(ANKARA)-Wararka ka imaanayo dalka Biljamka ayaa sheegaayo in dadka Megangalyo doonka ah ee shaqooyinka Mushaarka leh ka helay dalka Biljam waxaa hadda laga rabaa iney bixiyaan khidmadaha haddii ey sii joogaan xarumaha soo dhaweynta. Sida lagu sheegay warbixin ey soo saartay Wakaaladda rasmiga ah ee Biljam ee Belga,iyadoo laga duulaayo xogta xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Megengalyo doonka iyo Socdaalka Nicole De Moor,Megangalyo doonka haysta shaqada ayaa hadda masuul ka noqon doono ka qeybqaadsahadda kharashka hoyga ee xarumaha soo dhaweynta ee dalka Biljam,qadarka qof kasta oo Megangalyo doon ah laga rabo inuu bixiyo waxay ku saleysan tahay dakhligiisa bisha. Tusaale ahaan,Megangalyo doonkii helaya dakhli saafi ah oo dhan 900-EURO bishii waa bixinayaa qiyaastii 220-EURO oo Xarunta soo dhaweynta ah,kuwa qaata wax ka badan 1500-EURO bishii waxaa laga doonayaa iney bixiyaan 50% Mushaarkooda xagga Hoyga. Intaas waxaa dheer,haddii Megangalyo doonku diido inuu bixiyo khidmadaha la go’aamiyey,Xarunta soo dhaweynta waxaa laga yaabaa iney xadido adeegyada la siiyo iyaga ama xaaladaha qaarkood ey ka saaraan shaqsiga. Go’aankan ayaa sameeyey dad gaaraayo qiyaastii ilaa 10-kun oo Megangalyo doon ah oo ka xoogsada dalka Biljam,waxa uuna dhaqangalay 1-dii bishaan Luuliyo. Talaabadaan ayaa markii hore lagu aasaasay wareegto Boqortooyo sannadkii 2011-kii laakin waxa ey la kulantay caqabado siyaasadeed iyo kuwa sharci oo kala duwan ilaa hadda.
ISHA/AA.