CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO KU GUULEYSTAY INEY
(SAWIRKA)-DOONTII LAGA GUBAY ALSHABAAB.
(MARKA)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo kuwa degaanka iney hawgal Qorsheysan ey ka sameeyeen Tuulooyin hoostaga degmadda Janaale ee Gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,hawlgalka ayaa waxaa fuliyey Ururada 66-aad iyo 83-aad,Guutadda 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed,hawlgalka ayaa lagu burburiyey farisimo gabaad u ahaay kooxda Alshabaab. Hawlgalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Tuulooyinka Srcad,Buulo-Aruundi,Beeraha Baay iyo Siigaale,Ciidanka ayaa sidoo kale waxa ey ku guuleysteen iney halkaasi ku gubaan Doomo ey kooxda Alshabaab u isticmaaleysay iney Qaraxyadda wabiga kaga soo gubiyaan,mana aha markii ugu horeeysay ey kooxda Alshabaab ku weyso Doomo ey u isticmaalaan gudbinta Qaraxyadda iyo maleeshiyaadkooda oo waxay ku waayeen Doomo fara badan dagaalkii ka dhacay H/shabeele.
ISHA/SNA.