CIIDAMADDA ITOOBIYA OO DAD RAYID AH KU LAAYEY…
(SAWIRKA)-DRONES UVA OO EY ISTICMAALEEN CIIDAMADA ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Waxa aan la wada soconaa in dalka Itoobiya uu ka socdo dagaal culus una dhexeeyo ciidamadda dawladda Itoobiya iyo xoogaga mucaaradka dawladda Itoobiya ee kala ah Oromada iyo Amxaaradda,dagaalkan ayaa hadda si ba’an waxa uu uga socdaan labadaas Gobol waxaane la soo sheegayaa in dawladda Itoobiya ey bilawday iney isticaasho diyaadaha aan duuliyaha lahayn(Drones)ka dib markii looga itaal roonaaday dagaaladda foolka foolka ah. Warbaahinta madaxa banaan ee dalka Itoobiya ayaa soo sheegtay in diyaaradaha Drones-ka nuuca loo yaqaano UAV ey duqeymo aan kala sooc lahayn ey ka fuliyeen Goobo ey ku sugan yihiin dad rayid ah sida Goobaha lagu sugo Basaska iyo dugsiyada hoyga u ah dadka soo barakacay. Diyaaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka eyna iska leeyihiin ciidamadda dalka Itoobiya ayaa duqeymo aan kala sooc lahayn u gaystay dad rayid,duqeynta ayaa waxaa ku naf waayey dad rayid ah oo aad u fara badan kuna sugnaay Goboladda Amxaaradda iyo Oromada ee dalkaasi Itoobiya. Weerarada diyaaradaha Drones-ka ayaa noqday kuwa gaystay dhibaatooyin bani’adanimo oo aad u daran eyna waajib tahay in caalamku uu wax ka qabto. Waxaaa jiro warar sheegaayo in ciidamadda dalka Itoobiya ey geeyeen Diyaaradaha Drones-ka Goboladda Amxaaradda iyo Oromadda taaso sababtay khasaaro fara badan oo soo gaaray dadka shacabka ah. Taliyaha Guud ee Ciidamadda Difaaca Qaranka Itoobiya S/G.Birhanu Jula ayaa iska dafiray in dad rayid ah lagu laayey Goboladda Amxaaradda iyo Oromada ka dib markii ciidamada ey adeegsadeen diyaaradaha Drones-ka,waxa uuna S/G.Jula sheegay in la weeraray goobo ey ku sugan yihiin xoogaga mucaaradka hubeysan ee Goboladda Amaxxaaradda iyo Oromada. Duqeyn ey gasyteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lala beegsaday Kaniisadda FULL GOSPEL ee ku taalo KOMBOLCHA ee Gobolka Oromada,duqeyntaan ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaraayo ilaa sideed qofoo oo shacab ah,duqen midaas la mid ah ayaa waxaa lagu qaaday Baabuur Gargaarka deg dega ah kaaso sahay caafimaad u siday Gobolka Amxaaradda waxaane ka dhashay dhimaasho fara badan iyo dhaawac soo gaaray dadkii saaranaay baabuurka la duqeeyey.
ISHA/SBM.