CIIDAMADDA ATMIS OO KU BIIRAY DAGAALKA CIID-CIIDKA.
(SAWIRKA CIIDAMADDA ATMIS EE SOOMAALIYA
(SH/DHEXE)-Wararka ka imaanayo Gobolka Shabeeladda dhexe ee maamulka H/shabeele ayaa sheegaayo in ciidamadda Atmis ee Midawga Afrika ka socdo iney hadda ku biireen ciidamadda DFS iyo xoogaga degaanka oo muddo bil ku dhaw go’odoomiyey koox Alshabaab ah oo ka soo talaabtay Wabiga Shabeel ayagoo rabay iney kala jaraan wadada isku xirta maamuladda Galmudug iyo H/shabeele,kooxdaan oo ku go’odoonsan halka loo yaqaano Ciid-Ciidka ayaan haysan wax saad ah oo dibadda uga imaan kara waxaane laga yaabaa in qaar ayaga ka mid ah eyba u dhinteen Gaajo iyo dhaawacyo soo gaaray,ciidamadda Atmis ayaa maanta si ba’an waxa ey hubka hoobiyaha ah ugu garaaceen Hawdka ey kooxda Alshabaab ku dhuumanaysay muddo dhan bil.
ISHA/CAASIMADDA.