CIIDAMADA ITOOBIYA OO WEERARAY TIGRAY.
CIIDAMADDA ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Bishii Noofembar ee sannadkii 2020-kii ayuu soo bilawday dagaalka u dhexeeyo ciidamadda dalka ENDF iyo xoogaga Jabhadda Tigray ee TPLF, dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho,dhaawac iyo barakac aad u balaaran soona gaaray dadka shacabka ah kuna nool gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi Itoobiya,waxaa la gaaray heshiis xabad joojin ah soona socday in mudda ah balse hadda u muuqdo inuu burburay sababtoo ah dawladda Itoobiya waxa eey ka dalbatay Jabhadda TPLF ineey wada hadala la gasho balse arrinkaasi waxaa gaashaanka u daruuray TPLF-ta waxayna dawladda Itoobiya dooratay ineey mar kale weerarto xoogaga TPLF-ta. Dagaalka culus ee maanta oo Arbaca ah ka dhex qarxay ciidamadda Itoobiya iyo xoogaga Jabhada TPLF-ta ayaa ah mid la saadlinaayey mudooyinkaan dambe,labada kooxood ee dagaalamaayo ayaa midba midka kale ku eedeyey inuu isaga bilaabay dagaalka,jihooyinka la soo sheegay in dagaalka maanta ka bilawday ayaa kala ah CHOBE BER,JONORA,GUBAGAL,YALOW,ALAMATA,BAL IYO BISBER waane koonfurta Tigray.
ISHA WARKAAA.