CEERIGAABO OO DAGAAL QARKA U SAARAN.

(SAWIRKA)-QORAGA ZUU-GA.

(CEERI-GAABO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka taagan tahay xiiso dagaal oo u dhexeysa Ciidamadda SSC-Khaatumo iyo kuwa Soomaaliland. Dagaalka laga cabsida qabo inuu ka dhex qarxo labada ciidan ayaa salka ku haayo dib u xureynta Gobolka Sanaag looga xureynaayo maamulka Soomaaliland sidii ka dhacday Laascaanood ee Gobolka Sool sannad ka hor. Xogta laga helaayo ilo wareedyo ku sugan degaankaas ayaa sheegaayo in Ciidamadda Soomaaliland oo ey wehliyaan Maleeshiyaad hubeysan ey saakay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen gudaha magaaladda caasimadda ah ee Ceerigaabo waxaane laga cabsi qabaa in colaadu ku sii fiddo eyna gaarto goobo ka baxsan caasimadda Ceerigaabo. Wararka ayaa tibaaxaayo in ciidamadda labada dhinac isu diyaarinayaan sidii magaaladda loo kala qabsan lahaa ka dibne looga dhawaaqi lahaa maamulka ey hoos tagto,balse lama oga cidda hadda maamulka magaaladda gacanta ku heyso iyo tan weerarka ku ah. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka SSC-Khatumo ee ka kooban Goboladda Sanaag iyo Sool,Ceyn waxa ey siisay muddo laba sano ah ka dibne waxaa loo aqoonsam doonaa Maamul Goboleed la mid ah kuwa hadda dhisan.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

1,737-MAXBUUS OO FALASTIIN AH OO LA SII DEYN DOONO.

Next
Next

GOLAHA WASIIRADDA ISRA’IIL OO OGOLAADAY…