BURCADA INTERNET-KA OO WEERARTAY BAARLAMAANKA YURUB.

(SAWIRKA)-BAARLAMAANK YURUB.

(BRUSSELS)-Kuwa sameeya Afduubka Internet-ka waxa ey indhaha ku hayaan sharci dejiyeyaasha Midawga Yurub,baarlamaank Yurubne waxa uu la halgamayaa sidii uu u sii wadi lahaay la dagaalanka Afduubayaasha. Laba xubnood oo ka tirsan gudi hoosaadka Amniga iyo Difaaca ee Baarlamaanka Yurub ayaa dhawaan ogaaday in burcadda Internet-ka iney bilaabeen iney weeraraan Telefanadooda ayagoo adeegsanaayo Spyware,kuwaaso si cajiib ah u siin kara iney si fudud u galaan Makaroofanada telefoonadooda,Kaameradaha iyo codsiyada kale. Mid ka mid ah shaqaalaha gudiga ayaa isna la beegsaday lana weeraray Telefoonkiisa. Afhayeen u hadlay Wargayska The Daily Beast ee cariga Ingiriiska maalintii shalay oo Khamiis ahayd ayaa sheegay “ In baarlamaanka Yurub uu tixgelin gaar ah siinaayo Gudi Hoosaadka Baarlamaanka iyo shaqaalahooda la siiyey galalka shaqada,qof kasta oo ka tirsan gudiga waxa uu heli doonaa fursad uu ku sawiro qalabkooda Spyware”.

ISHA/THE DAILY BEAST.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

AGAB IYO GAADIID LA SIIEYEY Q.43-AAD EE CXDS.

Next
Next

INGIRIISKU MA AQOONSAN DOONAA BAASABOORKA SOOMAALIYA?