BORTAQIISKA OO SOO DEDEJIYEY IN TURKIGA….

(SAWIRKA)-MARAAKIIBTA TURKIGA U SOO DIRAAYO SOMALIA.

(ANKARA-TURKEY)-Markii Wasiirka Difaaca Soomaaliya Md.C/qaadir Maxamed Nuur uu magaaladda Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga horaantii bishaan Feberaayo eyna kala saxiixdeen heshiiska iskaashi ee dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha,ayuu Wasiir C/qaadir u sheegay masuuliyiintii kulanka isugu yimid in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid taariikhi ah oo soo taxnaay ilaa qarnigii 16-aad. Sida laga soo xigtay ilo xogogaal u ah wada hadaladda ayaa yiri”Waxaan ku faanayaa in ciidamadda badda ee Cusmaaniyiinta ey ka soo horjeedaan Maraakiibta bortoqiiska”isaga oo tixraacaayo faragelinta Geeska Afrika oo loo arko iney door Muhiim ah ka ciyaareyso dib u riixista damaca dawladda Burtaqiiska ee Gobolka Geeska Afrika. Waxay ahayd arrin qarsoon oo aan la ogayn in dawladda Bortaqiiska gadaal ka taganeed arrinta Itoobiya ku dooneyso iney dhacdo dhulka Soomaaliyeed waayo Bortuqiiska waxa uu balan la galay dawladda Itoobiya waxa uuna u sheegay inuu u dhisi doono saldhig ciidanka badda ah iyo Deked haddii Itoobiya la timaado Bad ey iyada leedahay.

ISHA/MEE.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

DAGAALKA GAZA OO MAANTA GALAY MAALINTIISII 140-AAD.

Next
Next

KENYA OO DANJIRE CUSUB OO MAGACAWDAY SOOMAALIYA.