BOOLISKA SOOMAALIYA OO U DABAAL DEGAY SANNAD GUURADII..

(SAWIRKA)-BOOLISKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Aden Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa Hambalyo diiran kuna aadan Xuska Sannad Guuraddii 81-aad ee kasoo wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray guud ahaan Ciidanka Booliska. Gudoomiye Aden Madoobe ayaa yiri”Waxaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada,Dableyda,Xaasaskooda iyo Caruurtooda la qeybsanayaa farxadda maalintooda kasoo wareegtay 81-sano ka dib markii la Aas-Aasay”. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Madoobe ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu door muuqda oo firfircoon kaga jiro dawladnimada Soomaaliyeed isla markaane uu yahay u adeegaha bulshada,waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney la shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la Aas-Aasay 20/12/1943-dii waxa uuna maanta u dabaal degaa sannad guuradiisii 81-aad ee ka soo wareegtay Aas-Aaskiisa. Dhianaca kale,Gudoomiye Aden Madoobe ee uu wehliyo Reysala Wasaare Xamse ayaa xalay ka qeybgalay xaflad loogu dabaal degaayey sannad guuradii lixaad ee ka soo wareegtay markii Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen loo doortay inuu hogaamiyo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka wada tirsan XFS.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

50-JIR SACUUDI AH OO DAD KU LAAYEY DALKA JARMALKA.

Next
Next

WAFDI ALJEERIYAAN AH OO SOO GAARAY….