BOOLISKA JARMALKA OO TOOGTAY NIN…

(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.

(HAMBURG)-Nin ayaa isuKu dayey inuu bir (BURIS) ku weeraray askarta Degmada St.Pauli ee magaaladda Hamburg. Dhacdadaan ayaa dhacday ka hor inta aan magaaladaas lagu qaban ciyaar ka tirsan EURO-2024-ka oo dhex maraysay kooxaha K/cagta ee Qaranada Holland iyo Poland. Booliska magaaladda Hamburg ee Waqooyiga dalka Jarmalka ayaa Axada maanta ah toogasho ku dhaawacay nin isku dayey inuu weeraro dad wadada maraayey, sida ey sheegeen maamulka. Rabshadaha ayaa ka dhacay bartamaha magaaladda St.Pauli, waxaane meel u dhaw magaaladda ku sugnaay 40-kun oo taageere una dhashay dalka Holland kuwaaso wadada marayey, ka hor inta eysan bilaaban cayaarta u dhexeysay Holland iyo Poland ee tartanka EURO-2024-ka. Booliska magaaladda ayaa sheegay in ninkan oo 39-jir ah uu ka soo baxay goob maqaayad ah oo laga cunteeyo isaga oo gacanta ku sita Buris,waxa uuna u gacan haadiyey askarta qaab halis ah,booliska ayaa aaladda uu watay ninkan goor sii horeysay ku tilmaamay iney tahay FAAS. Afhayeenka Booliska magaaladda Hamburg Sandra Levgrun ayaa yiri”Waxaan u qaadaneynaa in tani ey tahay kiis go’odoonsan taaso ah midaan wax xiriir ah la leheyn ciyaarta kubadda cagta..ma arko wax khatar ah haba yaaraatee ama wax saameyn ah ku leh cayaarta maanta”,Warbaahinta ayaa sheegtay in Booliska isticmaaleen Basbaas ey ku buufiyeen ninka soo qaaday weerarka ka hor inta eysan ka qaadin hubka.

ISHA.DW.

SII AKHRI.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO QABATAY NIN SOOMALAIYA U SOO SOCDAY.

Next
Next

GARWE OO LAGA SAARAYO ITOOBIYAANKA.