BOOLISKA GIRIIGA OO QABTAY DAROOGADII UGU BADNEED.

(SAWIRKA)-BOOLISKA GIRIIGA.

(ATHENS)-Booliska dalka Giriiga ayaa xiray nin Aljeeriyaan ah oo looga shakisan yahay inuu Kaniiniyadda dawooyinka Xanuunka ka hortaga ah ee Pregabalin u tahriibin jiray dalka Faransiiska,ka dib markii ey hawlgal sameeyeen masuuiyiinta Faransiiska iyo Booliska Midawga Yurub ee Europol. 28-jirkaan ayaa daawooyin ey ku jiraan Pregabalin ka helay Farmashiyeyaal ku yaalo dalka Giriiga,wuxuuna u raray Paris iyo magaalooyin kale ee Faransiiska seddexdii sano ee la soo dhaafay,sida ey boolisku sheegeen Arbacada maanta ah. Daawada ka hortaga Qalalka waxaa loo isticmaalaa in lagu daaweeyo qalalka iyo welwelka waxayna keeni kartaa nasasho iyo farxad. Ninkaan ayaa lagu xiray magaaladda Caasimadda ah ee Athens todobaadkan isagoo isku dayey inuu soo diro xirmo ka badan 3,300-kaniini ah sida lagu sheegay warbixinta ey soo saareen Booliska. Ugu yaraan shan iyo kontan(55) shixnadood oo Darooga ah ayaa la xaqiijiyey tan iyo sannadkii 2021-kii,sarkaal Boolis ah ayaa yiri. Booliska Faransiiska ayaa sidoo kale xiray nin lagu eedeeyey inuu ahaa shaqsiga Gudooma xirmooyinka ayuu sarkaalka hadakiisa sii raaciyey. Bishii Maarso,ilaaladda Xeebaha Giriiga ayaa la wareegay dooni sidatay calanka Ingiriiska oo ey ku raran yihiin ku dhawaad afar Milyan oo Kaniiniyadda Pregabalin ka dib markii sirdoonka Giriiga ey heleen xog ku saabsan kooxaha Daroogada ka ganacsada ee ka hawlgala dalka Giriirga.

ISHA-WAKALADO.

Previous
Previous

BAKU: COP29 OO LA SOO GABGABEEYEY.

Next
Next

WAR CUSUB OO KA SOO KORDHAY WEERARKII DUSIT D2.