BLINKEN IYO LAVROV OO KULMAY BRAZIL.

(SAWIRKA)-SHIRKA URURKA G-20 EE BRAZIL.

(BRAZIL)-Dalka Brazil ayaa qabanaayo shirkiisa ugu horeeyey ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee wadamadda ku bahoobay Ururka G-20 maanta oo Arbaca ah. Wasiiro ka kala socdo wadamadda ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa isugu yimid caasimadda Brazil ee Rio De Janeiro iyadoo ajandaha shirka looga hadlaayo ayaa waxaa qeyb ka ah Weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza,dagaalka Ruushka iyo Yukrayn oo xudun u ah shirkaan. Madaxweynaha Brazil Luiz Incasio Da Silva oo beesha caalamka ku riixaayo iney u midoobaan sidii loo nabadeyn lahaay colaadaha Yukrayn iyo Marinka Gaza. Ka qeybgalka wakiilada ka kala socdo Maraykanka,Ruushka iyo Shiinaha ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda ey leedahay dhacdada diblomaasiyadeed ey wajahayso xiisadda caalamka. Doorka Lula ee madaxweynanimada Ururka G-20 iyo kulanada Wasiiradda ayaa daba socdo hadaladii uu dhawaan ka sheegay dalka Isra’iil hadalkaaso Lula uu ku barbardhigay weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza iyo Holocaust. Intaas waxaa dheer Lula waxa uu aad u dhaleeceeyey xaaladda hadda ka jirta maamulka caalamiga ah iyo hayadaha ka gaabiyey ka hortaga colaadaha hubaysan ee adduunka oo dhan. Shir madaxeedka ayaa lagu wadaa in dib u habayn lagu sameeyo hayadaha muhiimka ah sida Qaramada Midoobe,Bangiga Adduunka,Ururka Ganacsiga Adduunka iyo Sanduuqa lacagta Adduunka IMF. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken oo maanta gaaray caasimadda Brazil ayaa dalka Brazil ku amaanay inuu yahay saaxib muhiim ah Nabada iyo Amaanka caalamiga ah,Wasiir Blinken ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Ruushka Sergei Lavrov markii ugu horeysay tan iyo kulankii Wasiiradda arrimaha dibadda ee G-20 ee ka dhacay dalka Hindiya Bishii Maarso-2023-kii. Shirka Madaxda Ururka G-20 oo ey isugu imanayaan labaatanka wadan ee adduunka ugu dhaqaalaha badan ayaa lagu qaban doonaa caasimadda dalka Brazil ee RIO DE JANEIRO bisha Noofembar-2024.

ISHA/AA.

Previous
Previous

FDA DALKA MARAYKANKA OO SOO SAARTAY DIGNIIN AH…

Next
Next

IMISA DHACDO AYAA KA DHACDY XERADA GEN.GORDON?