BILJAM OO SOO JEEDISAY IN CUNAQABATEYN LA SAARO ISRAEL.
(SAWIRKA)-PETRA DE SUTTER.
(BRUSSELS)-Petra De Sutter oo ah Reysal Wasaare ku xigeenka dalka Biljam kana timid xisbiga Cagaaran ayaa ku baaqday maanta oo Arbaca ah in cunaqabateyn la saaro xukuumadda Isra’iil. “Waxaa la joogaa waqtigii cunaqabateyn lid ku ah Isra’iil la soo saari lahaay waayo Isra’iil waxa ey bambooyin la dheceysaa Gaza si aan bani’adanimo ku jirin,”hadalkaas ayey Reysal Wasaare ku xigeenka dalka Beljim Petra De Sutter ey soo dhigtay bateeda X horayne loogu yaqiin Twitter. “Isra’iil waxa ey dembiyo dagaal ku gashay Gaza waxa eyna iska dhegatirtay codsiga caalamka ee ah in la joojiyo xabadda”. De Sutter ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo baabi’iyo xiriirka u dhexeeyo Midawga Yurub iyo Isra’iil,waxa eyna soo jeedisay De Sutter in dalka Biljam bixiyo lacag dheeri ah uu siinaayo Maxakamada Caalamiga ah ee qaada dembiyada si ey u soo baarto dembiyada dagaal ey galeen Isra’iil iyo Xamaas.
ISHA/POLITICO.