BEELAHA MUDULOOD IYO XAWAADLE OO ISKU MARI LA’A…

(SAWIRKA)-BELEDWEYNE.

(BELEDWEYNE)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka socdo shir aad u adag la iskuna mari la’ayahay,waxa uuna khilaaf xoogan ka taagan yahay Aaska Meydadka Askartii lagu dilay Degaanka Ceel-Baraf ee Gobolka Shabeeladda dhexe. Sida la sheegay Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa ku gacan seyray dalab ey magaaladda B/weyne la tageen Masuuliyiin ka socotay Hayadaha Amniga Dawladda Federaalka Soomaaliya uu Hogaaminaayo Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Md.Sambalooshe iyo Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Mudulood oo dhawaan ka amba baxay magaaladda Muqdisho kuwaaso magaaladda B/weyne u tegay iney xal u soo helaan arrinta la xirrita dilka askartii lagu laayey Ceel-Baraf iyo Aaska meydadkooda. Wararka ayaa sheegaayo in Odayaasha Mudulood ee Muqdisha ka baxay ey u gudbiyeen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradaka Beesha Xawaadle dalab la xiriiro in Meydadka askarta la dilay iney ku wareejiyaan DFS ka dibne Aas Qaran loogu sameeyo magaaladda B/weyne iyadoo uu ka qeybgelaayo Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre. Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa iska diiday dalabkii kaga yimid dhigooda Beesha Mudulood waxa eyna dalbadeen in marka hore ey DFS gacanta ku soo dhigto gacan ku dhiigleyaasha markaas ka dibne ey DFS ku wareejin doonaan Meydadka askarta la dilay kuwaaso hadda ku jira Qaboojiye. Warar ayaa sheegaayo in Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ey hadda ku jiraan shir iyaga u gaar ah eyna kaga arrinsanayaan xaaladda cakiran ee taagan iyo sidii DFS loo siin lahaay jawaab kama dambeys ah.

Dhinaca kale,wararka ka imaanayo Tuuladda Cadeyga Moobleen kana tirsan degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhxe ayaa waxaa ka dhacay dil loo geystay wiil iyo Abtigiis oo kuwad sugnaay hooygooda,sida dad goojoogayaal ah ey sheegeen wiilka la dilay ayaa ka yimid magaaladda Muqdisho isagoo uu rarnaay gaari Caasi ah,dadka geystay dilkaan ka dhacay Cadeyga Moobleen ayaa ku labisnaay dharka Ciidamadda DFS. Isla G/Shabeeladda Dhexe degmada Warsheekh ayaa laga soo werinayaa inuu maanta halkaasi ka dhacay dil loo geystay nin Nabadoon ah caane ka ahaa degaankaas iyo Macallin Dugsi Quraan. Degaanka Calool Weyn oo hoostaga degmada Warsheekh ayaa ah halka uu maanta dilka ka dhacay, Isniintii la soo dhaafayne waxaa halkaasi lagu dilay wiil uu dhalay Nabadoonka maanta la dilay kaaso lagu magacaabo jiray Cumar Abuukar,sida muuqata dilkaan ka dhacay Warsheekh ayaa salka ku haayo aano Qabiil balse ma jirto cid ilaa hadda ku baxday si ey wax uga qabato dhibaatadaan ka jirta degmada Warsheekh.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO SOOMAALIYA UGU DEEQAY $28-MILYAN

Next
Next

LIIBIYA OO SOO AFJARAYSA TAHRIIBKA.