(BAQDAD): CIRAAQ OO SOOMAALIYA U BALLAN QAADAY…
(SAWIRKA)-WAFDIGA SOMALIA IYO KAN CIRAQ.
(BAQDAD)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Jamhuuriuadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Cali Xaaji Aden oo safar shaqo ku jooga magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq uu halkaasi wada hadal dhinaca iskaashiga caafimaadka ah kula yeeshay dhigiisa dalka Ciraaq Md.Dr.Saalax Mehdi AL-Hasnawi. Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyey La taliyaha 1-aad ahne ku simaha Danjiraha Safaaradda JFS ee dalka Ciraaq Md.C/fataax Sheekh Axmed. Wasiir Cali Xaaji Aden ayaa Dawladda Ciraaq ku booriyey isdhaafsiga khibradaha caafimaad iyo taageerada ku aadan tababarida Takhaatiirta Soomaaliyeed taaso uu soo dhaweeyey dhigiisa dalka Ciraaq,isagoo xusay iney si deg deg ah uga shaqeyn doonaan sidii Takhaatiir Soomaaliyeed ey deeqo waxbarasho uga heli lahaayeen dalka Ciraaq. Wasiir Dr.Cali Xaaji Aden ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Ciraaq Dr.Saalax Mehdi AL-Hasnawi soo dhaweynta diiran oo ey dawladda Ciraaq u fidisay intii uu ku sugnaay dalka Ciraaq iyo Martigelintii meertadii 61-aad ee shirka Golaha Wasiiradda Caafimaadka Wadamadda Carabta kaaso ka dhacay caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq,waxa uu sidoo kale bogaadiyey Wasiir Cali balanqaadka dawladda Ciraaq ee tababaridd Takhaatiirta Soomaaliyeed si dalkeynu u helo xirfadlayaal caafimaad oo taydoodu sareeyso.
ISHA-SNTV.