BANGIGA ADDUUNKA OO JOOJIYEY….

(Nairobi):Bangiga adduunka ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah(11/11/2021)-ka inuu labaatan iyo kow(21) bilood joojiyey shaqada shirkada la yirahdo(AFRICA DEVELOPMENT PROFESSIONAL GROUP),shirkadaan ayuu fadhigeedu yahay caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi,shirkadda (ADP)ayaa dawladda federaalka Soomaaliya waxa eey ka caawinaysay la talinta dhinaca maamulka,maalgashiga,xalka ganacsiga,iskaashiga maaliyeed iyo horumarinta ganacsiga.Shirkadaan ayaa lagu helay dembiga ah(Xadid,Ku takri fal iyo lunsash)eey ku sameeysay mashruuc horumarineed oo laga sameeynaayey dalka Soomaaliya mashruucaaso kharashkiisa uu bixinaayey bangiga adduunka,sida warbixinta lagu sheegay mashuuca ayaa ahaay mid xoojinaayey awooda dawladnimo ee soomaaliya taaso loola jeedo sidii soomaaliya eey u noqon lahayd mideey dawladnimadeedu shaqeeyso,arrintaan lagu lunsaday dhaqaale loogu talagalay in lagu horumariyo Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah wasaaradaha Qorshaynta qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaliya,labada wasiir ee wasaaradahaan kalana ah Jamaal Maxaemed xasan iyo C/raxmaan Beyle Ducaale ma jirto cid uga yeertay xafiiska Hanti dhawrka Guud ee qaranka si wax looga weydiiyo dhacdadaan foosha xun ey sameeysay shirdaan,labada wasiir waa xildhibaano ka tirsan baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisu dhammaaday waxa eey degaan ahaan ka soo kala jeedaan Soomaliland iyo Puntland.XIGSHO WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY…

Next
Next

WARAR DHEERI AH OO LAGA HELAY QARAXII SHALAY KA DHACAY CADAN.