BAASABOORKA SOOMALIYA OO GALAY-104.
AFRIKA.
(NAIROBI)-Dalalka caalamka waxaa lagu kala saaraa hadba sida uu yahay dhaqaalahooda iyo amnigooda,waxaa dhawaan soo baxday qiimayn lagu sameeyey baasaboorada caalamka gaar ahaan kuwa wadamadda Qaaradda Afrika,wadamadda ka tirsan Qaaradda Asiya ayaa weli hogaanka u haayo dhinaca baasaboorada ugu awooda badan adduunka. Dalka Jabaan ayaa galay kaalinta 1-aad halka dalalka Singaboor iyo Kuuriyadda Koonfureed ey wada galeen kaalinta 2-aad,laakinse wadamadda ugu baasaboorada wanaagsan Qaaradda Afrika ayaa waxaa kala hogaaminaayo Jaziiradaha Siishelis oo gashay kaalinta 29-aad oo heshay 153-dhibcood iyo Jaziirada Mureshiyos oo gahshay kaalinta 34-aad heshayne 146-dhibcood waane labada dal ee ugu baasaboor wanaagsan Qaaradda Afrika,dalka Soomaaliya ayaa galay kaalinta 104-aad waxa uuna helay dalka Soomaaliya 35-dhibcood.
ISHA WARKA NEWAFRICA.