BAARIIS OO LAGU XIRAY NIN KA MIDA RAGII DILAY KHASHOGGI.

(PARIS):Manta oo Talaada ah(7/12/2021)-ka ayey ciidamadda booliska ee dalka Faransiiska xireen nin ka mida ragii lagu tuhmayey ineey dileen saxafigii u dhashay dalka Sacuudiga Jamaal Kahshoqji,ninkaan ayey ciidamadu qabteen isagoo diyaarad ka raacayey garoonka caalamiga ah ee Jaarlees Digool ee magaaladda Baariis kuna sii socday dalkiisa Boqortooyadda Sacuudiga,sida eey sheegeen ilo ka tirsan booliska iyo cadaaladda Faransiiska,laakinse safaaradda Sacuudiga ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay in ninka la xiray uusan waxba sameeyn kana mid ahayn dadkii ka qeyb qaatay dilkii Jamaal Khashoqji.Booliska iyo hayadaha cadaaladda dalka Faransiiska ayaa warbaahinta u sheegay in ninka la qabtay maanta magaciisa la yiraahdo KHAALID CAA’ID AL-CUTAYBI,waane magac la mida xubin hore oo ka tirsan ciidamadda gaarka ah ee boqortooyadda Sacuudiga kaasoo eey cadeeyeen dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ka dib markii eey ku dareen liiskoodii eey cunaqabateynta ku saareen kuwii dilay Jamaal Khashoqji.Waxaane lagu wadaa ninkaan la qabtay in maxkamad la horkeeno maalinta Arbacada si go’aan looga gaaro in loo gudbinaayo Turkiga oo ah dalka codsaday in lagu soo simo gacantooda shan iyo tobankii qofood ee lagu tuhmaayo ineey dileen Jamaal Khashoqji sannadkii 2018-kii,gaar ahaan ninkaan la qabtay maanta ayaa lagu tuhmaa inuu qaaday meydkii wariyaha ee la waayey oo waxa uu safaaradda Sacuudiga ee turkiga ka ahaay shaqaale balse goor dambe la ogaaday inuu ahaay Kumaandooska boqortooyadda Sacuudiga.ISHA REUTERS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO CUNAQABATEEN SAARAY SARKAAL UGAANDHA U DHASHAY.

Next
Next

DOORASHADA SOOMAALIYA IYO ISMARI WAAGA TAAGAN.