AXMED MADOOBE OO LA DOORTAY MARKII…

(SAWIRKA)-MW-AXMED MADOOBE.

(KISMAAYO-JL)-Marka laga hadlaayo Maamul Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya waxaa mudan inaan is xusuusino waxyaabo ey mid yihiin Tarrikhda Jubaland dhisideeda iyo cidda soo maamuleysay,balse marka hore waxaan guud mar gaaban ku sameyneynaa maamulka Jubaland iyo Hogaanskiisa. Taariikhdu markey ahayd 15/5/2013-kii, waxaa maamulkaasi Madaxweyne ku meel gaar ah loogu doortay Axmed Madoobe,isla sannadkaas kuna beegneed 28/8/2013-kii,waxa uu Axmed Madoobe heshiis la galay DFS ee ku meel gaarka ahayd ee uu Hogaaminaayey MW-Xasan Sheekh,heshiiska ayaa ka dhacay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa waxaane DFS ku metelaayey Faarax C/qaadir. 15/8/2015-kii waxaa Madaxweynaha Jubaland loo doortay Axmed Madoobe oo helay 68-cod codadkii la tiriyey,waxa uuna xilka Madaxweyne haayey ilaa muddo dhan afar sano. Bishii Agoosto sannadkii 2019-kii ayaa hadane mar kale Axmed Madoobe loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Jubaland,waxaane arrintaas ka horyimid DFS ee uu Hogaaminaayey Farmaajo waxa eyna u aqoonsatay Axmed Madoobe inuu yahay Madaxweyne ku meel gaar ah,waxa uuna xilkiisa ku ekaay Agoosto/2023-kii,hadaba Kismaayo maxaa ka dhacay Maanta?. Xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Jubaland ee Kismaayo ayaa maanta waxaa ka dhacday doorasho loogu tartamaayo xilka Madaxweynaha afarta sano ee soo socoto ee maamulka Jubaland. Doorashadda maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa ku tartamaayey ilaa afar Musharax uuna ka mid yahay Madaxweynah hadda xilka haayo Md.Axmed Madoobe,Musharixiinta xilka u tartameyso ayaa kala ah: (1)-Axmed Madoobe. (2)-Feysal Maxamed Mataan. (3)-Dr,Cabdi Xasan Xajiin. (4)-Abubakar Cabdi Xasan. tartamayaasha ayaa waxaa kala saarayo Xildhibaano uu soo xulay maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe. Gudiga Doorashooyinka ee uu sameeyey Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay in Maamul Goboleedka Jubaland markii seddexaad loo doortay inuu Madaxweyne ka noqdo Md.Axmed Maxamed Islaan ka dib markii uu helay codad dhan ilaa 55-Cod taaso ka dhigan inuu ku guuleystay cod aqlabiyad leh. Maamulka Jubaland ayaa hadda leh dhawr Madaxweyne oo kuwada sugan magaaladda Kismaayo ee hadda u ah caasimadda ku meel gaarka ah.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

GOLAHA WASIIRADDA XFS OO SOO SAARAY QARAAR.

Next
Next

DALKA IMAARAATKA CARABTA OO SOO BANDHIGAY…