AUSTRALIA OO KU WAREERSAN…
SAWIRKA BOOLISKA.
(AUSTRALIA)-Gudaha dalka Australia ayaa diblomaasiyiin Ruush ah waxa ey iska diideen iney bixiyaan lacago ganaax ey ku muteysteen dhinaca taraafikada sida baabuurta oo lagu wado xawaare sare iyo baabuurta oo la dhigo goobo aan loogu talagelin in la dhigto baabuurta,lacagtaan ku ururtay diblomaasiyiinta Ruushka ayaa ah mid soo socotay mudoo dhan 15-sano oo xiriir ah waane arrin ey aad ugu wareersan yihiin masuuliyiinta Australia. Qoraal uu helay Wargayska The Guardian ee dalka Ingiriiska ayaa muujinayo in lacagta ganaaxa ah ee laga rabo iney bixiyaan diblomasiyiinta Ruushka ey dhan tahay $90,000 ahne doolarka dalkaasi Australia una dhiganto $59,922 doolarka Maraykanka ah.
ISHA WARKA THE GUARDIAN.