AUSTRALIA OO DEEQDAY $29-MILYAN…
CUNTO SAMAFAL AH OO LA DEJINAAYO.
(AUSTRALIA)-Dalka Australia ayaa maanta oo Isniin ah ku baaqay inuu bixinaayo lacag dheeri ah oo dhan $29-Milyan looguna talagaly samafalka ey bixiyaan wadamada ka tirsan beesha caalamka,lacagtaan oo looga jawaabaayo dhibaatada cunto xumida sii kordhayso iyo kaalmaynta shucuubta ku dayacan wadamadda Bariga dhexe iyo Qaaradda Afrika. Xirmadaan lacageed ayaa waxaa ka mid ah $15-Milyan oo lagu kordhinaayo samafalka,barakacaaysha iyo dadka ku nool dhulka ey saameysay abaarta una baahan in laga difaaco,dadkaan ayaa ku kala nool dalalka Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya, $4-Milyan oo ka mida lacagta waxaa lagu bixin doonaa cunto iyo nafaqeyn lagu kaalmeynaayo dadka sida aadka ah ugu dayacan gudaha dalka Yeman, $10-Milyan oo ka mida lacagtane waxaa loogu talagalay cunto iyo lacag gacan saar ah oo lagu kaalmeynaayo Qaxootiga iyo dadweynaha ku dayacan gudaha dalalka Libnaan iyo Urdun,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimha Dibadda dalka Australia Penny Wong.