AQALKA SARE EE BJFS OO ANSIXIYEY…

SENITARADA AQALKA SARE EE BJFS.

(MUQDISHO)-Senitarada Aqalka sare ee BJFS kulan ey Muqdisho ku yeesheen maanta oo Axad ah 19/2/23-ka uuna shir Gudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka Senitar C/laahi Cali Timacadde,waane kalfadhigii 13-aad ey isugu yimaadaan Senitarada Aqalka Sare ee BJFS. Ajandaha kulanka Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa ahaay Akhrintii 2-aad ee Sharciga Korontada Qaranka kaaso ey horay u soo Ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS, dood iyo aragtiyo laga dhiibtay sharciga ka dib Gudoomiye Timacadde ayaa go’aamiyey in sharciga Korontada Qaranka la Ansixiyey loona gudbin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud. Senitaradii kulankaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaay Senitar Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxaw waxa uuna baaq u diray DFS oo waxa uu Senitarku sheegay in korontada ka cabaadkeeda uusan waxba inagu tereen balse DFS looga baahan yahay ineey keento bedelka Korontada hadda dalka ka jirto.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

AU-DA OO DOORATAY HOGAMIYE CUSUB.

Next
Next

FADHIGII 36-AAD EE MADAXDA AFRIKA.