ALSHABAAB OO QARAX EY DHIGAYEEN KU HOOBTAY.

(SAWIRKA)-GOOBTA QARAXA KULA KACAY ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax culus oo maanta ka dhacay deegaanka Laba-Garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyadoo Qaraxaas uu sababay khasaaro xooggan. Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa sida wararku sheegayaan, waxyeello xooggan ey kasoo gaartay maleeshiyada AL-Shabaab ee Qaraxa diyaarineysay, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday xubnihii howshaas ku jiray. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay deegaannada ku dhow Laba-Garas, iyadoo dhimashada la xaqiijiyay ay gaareyso in ka badan 5 dagaalame, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in AL-Shabaab ay Qaraxaasi doonayeen inay ku weeraraan fariisimaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo howlgallo culus ka wada deegaanno ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ka tirsan maamulka HirShabelle. Laba-Garas ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee ay soo galeen Maleeshiyaadka Argagixisada ah, waxaana hadda halkaasi isku horfadhiya Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha kooxda AL-Shabaab. Ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca AL-Shabaab oo ku saabsan Qaraxa khasaaraha culus kasoo gaaray dagaalyahannadooda ee ka dhacay Laba-Garas. Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa galay xaalad adag ka dib markii ay kooxda AL-Shabaab culeys kusoo kordhisay, iyadoo hadda halkaasi ay ka socdaan howlgallo wadajir ah oo ay fulinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, maamulka HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyadoo hawada ay taageero ka siinayaan diyaaradaha Saaxiibbada Caalamiga ah. Marar badan ayay sidan oo kale ey Maleeshiyaadka AL-Shabaab khasaaro ugu soo gaareen Qaraxyo ay diyaarinayeen, waxaana dhacdadii ugu dambeysay ay ahayd mid ka dhacday deegaanka Beerayabaal ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda AL-Shabaab ka dib markii gurigii ay Qaraxa ku diyaarinayeen uu Qarxay. “Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday Qarax ay sameynayeen xilli ay ku sugnaayeen guri ku yaalla deegaanka Beerayabaal ee Gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u baahisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira Qaraxyo kale oo ay ciidamadu ka hortageen, iyadoo dhowaan Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa deegaanka ay burburiyeen baabuur ay Qaraxyo kasoo buuxiyeen xubnaha kooxda AL-Shabaab.

ISHA-CAASIMADDA.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO WEERARTAY HOTEL KU YAALO B/WEYNE.

Next
Next

GOLAHA SHACABKA BJFS OO ANSIXIYEY HINDISO CUSUB.