ALSHABAAB OO KU HALAAGSAMAY G/JUBADDA HOOSE.

(SAWIRKA0-WAR KA SOO BAXAY DFS.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda kismaayo ee caasimadda u ah Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaayo in ka badan 80-dagaalmae oo ka tirsan Alshabaab isuguna jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad in lagu dilay hawlgal ka hortaga ah oo ey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubaland ka sameeyeen degaanadda Buulo-Xaaji,Baar Sanguuni iyo Harboole oo dhaammaantood ka wada tirsan G/Jubadda Hoose. Hawlgalkaan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Maleeshiyaadka Alshabaab ey weerar nafla caarinimo ah ey ku soo qaadeen fariisimo geesiyaasha Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubaland ey ku lahaayeen degaanadda aan soo sheegnay,laakin ciidamadda oo u diyaarsanaay dhagarta cadawga Alshabaab ayaa ku guuleystay iney cagta mariyaan maleeshiyaadkii Alshabaab ee soo duulay. Ciidamadda ayaa hawgalkaan ku furtay hub aad u fara badan oo ey wateen cadawga soo duulay,waxaane hubkaasi ka mid ah Qoryaha”RPG,BKM,AK47” iyo kuwa kale oo fara badan. Geesiyaasha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyee iyo kuwa Jubaland ayaa hadda ku jira Ururinta Meydadka cadawga Alshabaab ee daadsan goobihii lagu dgaaalamay saakay,iyadoo dhanka kale weli lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya iney naftooda la baxsadaan. Dawladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneyso shacabkeed iyo Saaxibadda Caalamka ayey ka go’an tahay iney ciribtirto kooxda Alshabaab ee nafla caariga ah isla markaasne duulaanka ku ah dalkeyna,dadkeyna iyo diinteyna.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO MAANTA FURAY SHIRKA DOOXA..

Next
Next

44-SANO KA DIB AYA MEYDKIISA LA SOO HELAY.