ALSHABAAB OO DAD KU DISHAY LAMU-KENYA.

(SAWIRKA)-DEGMADA LAMU KENYA.

(LAMU-KENYA)-kooxda Alshabaab oo ku jirta rafasho midii ugu dambaysay ogaatayne inuu ku soo fool leeyahay weerar eysan marnaba ka baxsan karin ayaa hadda bilaabay weeraro nafla caarinimo ah gudaha Soomaaliya iyo dalalka Soomaaliya la deriska ah. Gacan ku dhiiglayaal ka tirsan kooxda ey u dhammatay ee Alshabaab ayaa madaxa uga gooyey weerar kedis ah oo ey ku qaadeen tuulooyin ku yaalo degmada Lamu ee dalka Kenya. Weerarka gaadmada ah ayaa lagu dilay shan qofood waxaane dab la qabadsiiyey shan guri,weerarkaan bahalnimada ah ey qaadeen kooxda Alshabaab ayaa waxa uu ka kala dhacay tuulooyinka Salama iyo juhudi kana wada tirsan degmada Lamu ee dalka Kenya. Weerarka gaadmada ah ee kooxda Alshabaab ayaa waxa uu dhacay (7:30)-fiidnimo ee habeenimadii Sabtida shalay ahayd(24/6/23)-ka,dadka la dilay ee shanta ah ayaa waxaa laga soo saaray guryahooda waxa eyna isku xireen lugahooda iyo gacmahoda(MIIG) ka hor inta aan la dilin. Dadka ku dhintay weerarka gaadmada ah ayaa waxaa ka mid ah arday dhigta fasalka 3-aad ee dugsiga sare Bakunja kaaso magaciisa lagu sheegay Barack Xuseen oo 19-jir ah,ardaygaan ayaa qoyskii u yimid markii uu u bilawday fasaxii Nuska sano.

ISHA WARKA DAILY NATION-KE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

MASUULIYIN KA SOO MUUQATAY MAXKAMADA.

Next
Next

DHIB INTEE LA EG AYEY MARAAN QAXOOTIGA?