ALSHABAAB OO AFDUUBTAY SHAN SARKAAL OO…
(SAWIRKA)-DAGAALAMYAAL ALSHABAAB AH.
(MANDHEERA)-Wararka laga helaayo dalka Kenya ayaa sheegaayo in dabley hubeysan kana tirsan kooxda Argagixisadda AL-shabaab ayaa afdyuubtay shan Madax Xaafadeed(Chiefs) kuwaaso ku socdaalayey inta u dhexeyso Ceelwaaq iyo Mandheera,xilli ey ku guda jireen kormeer hawleed ey dawladda Kenya ka fulisay degmooyin ka tirsan Mandheera. Taliyaha Ciidanka Booliska degmada dhacda koonfurta ismaamulka Mandheera Md.Julius Njeru ayaa xaqiijiyey afduubkan. Saraakiishaan la afduubaya ayaa ka soo ambabaxay degaanka Ceel-Gaduud waxa eyna ku sii jeedeen magaaladda Ceelwaaq ka hor inta aan la afduubka loo geysan,sida uu sheegay Md.Njeru. Ciidamadda Amaanka ee ismaamulka Mandheera ayaa lageliyey heegan sare,iyadoo haatan uu socdo baadi goob ballaaran oo loogu jiro samatabixinta saraakiishan ka tirsan Wasaaradda Amniga Kenya. Argagixsada Alshabaab ayaa warbaahintooda ka sheegay iney afduubeen shan nin oo ka tirsan maamulka Mandheera. Dhacdadaan afduubka ah ee ka dhacday Mandheera ayaa ku soo beegmeysa iyadoo la filaayo in maalmaha soo socdo uu socdaal ku gaari doono halkaas Madaxweynaha Kenya William Ruto. Gudoomiyaha ismaamulka Mandheera Md.Maxamed Adan Khaliif ayaa si kulul u cambaareeyey falka afduubka ah,wuxuuna ka codsaday saraakiisha amaanka iney dadaal dheeri ah muujiyaan si sida ugu dhaqsiyaha badan ey u soo samatabixin lahaayeen Madax Xaafadeedka la afduubay.
ISH-VOA.