ALSHABAAB LAGU QABTAY DEGAANKA BULACLE.
(SAWIRKA)-ALSHABAABKII LA DILAY, KII NOLOSHA LAGU QABTAY IYO MOOTADII EY WATEEN.
(BULACLE)-Wararka inaga soo gaarayo degaanka Bulacle ee dhaca bariga magaaladda Caasimadda ah ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in saakay halkaasi ey isku fara saareen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab oo doonaayey iney wadada ku aasaan Miino iyo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ey la socdeen Xoogaga degaanka waxaane dagaal culus ka dib laga itaal roonaaday maleeshiyaadkii kooxda Alshabaab oo laga dilay laba maleeshiyo lagana qabtay midkii seddexaad iyo mootadii siday Miinooyinka. Dhammaan agabkii ey wateen Maleeshiyaadka Alshabaab iyo Mootadii ayaa hadda la geeyey magaaladda Dhuusamareeb ee ah caasimadda Galmudug.
ISHA/CAASIMADDA.