ALSHABAAB LAGU LAAYEY G/SHABEELADDA HOOSE.

(SAWIRKA)-DIYAARAD DRONES AH.

(MUQDISHO)-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab kuwaaso ku sugnaay Gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sida ey sheegtay DFS hawlgalka aya ahaay mid sifeyn ah waxaane fuliyey Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxaane hawlgalkaasi lagu dilay ilaa 10-dagaalyahan sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda G/dhiga. Afhayeenka Wasaaradda G/dhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee G/shabeeladda Hoose oo warbaahinta dawladda kula hadlay ayaa xaqiijiyey in hawlagalkaasi la fuliyey. Hawlgalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay degaanka loo yaqaano Nuur Garre una dhaw degaanka Bariire,waxaane G/shabeeladda Hoose hadda ka socdo hawlgalo ka dhan ah kooxda Alshabaab oo hadda gobolka kaga sugan degaano fog fog.

ISHA/SNA-RADIO.

Previous
Previous

MW-QOORQOOR OO KA HADLAY DAGAALKA ALSHABAAB.

Next
Next

GUDOOMIYE ADAN MADOOBE OO LA SHIRAY GUDIGA…