AGAASIME MAHAD SALAAD OO XILKII NISA WAREEJIYEY.

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA CUSUB EE NISA OO XILKII LA WAREEAGY.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ka qeybgalay munaasabad ey xilka kula kala wareegaayeen Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Nisa ee dhawaan la magacaabay Md.C/laahi Maxamed Cali(Sambalooshe) iyo Agaasimihii hore Md.Mahad Maxamed Salaad. Madaxweyne JFS Md.Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyey Agaasimihii hore ee Hayadda Nisa Md.Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey Horumatinta shaqada Hayadda Nisa isagoo u rajeeyey Agaasimaha cusub inuu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaala. Madaxweyne JFS Md.Xasan Sheekh ayaa yiri “ Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysiin Agaasime tegay iyo mid yimid,waa inaad kalsooni gelisaan shacabka oo aad soo dhaweysaan. Shaqada noo taalo waa dagaalka Khawaarijta oo ey tahay inaan dhammanteyna wadajir ugu istaagno”. Madaxweyne JFS Md.Xasan Sheekh ayaa xariga ka jaray dhismayaasha Qeybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilacaw ee Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka-Nisa oo qaab casri ah loo dhisay.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

ALSHABAAB LAGU DUQEEYEY K/MUDUG.

Next
Next

BERRI OO LA DHAMMAYSTIRI DOON SODONKA RAMADAAN.