AGAASIMAHA NISA OO B/WEYNE KULA KULMAY….

(SAWIR)-KA.AGAASIME SAMBALOOSHE IYO XILDHIBAANO.

(BELEDWEYNE)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Hiiraan ee B/weyne ayaa sheegaayo inuu halkaasi gaaray Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(nisa) Md.C/laahi Maxamed Cali “Sambalooshe”,ujeedka uu Agaasime Sambalooshe u tegay halkass ayaa waxa lagu sheegay iney tahay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo mudooyinkaan dambe uu hakad galay. Agaasime Sambalooshe ayaa waxa uu horay u soo maray degmooyin ka mid ah Gobolka Shabeeladda dhexe gaar ahaan degmada laga xureeyey gacanta kooxda Alshabaab ee Aden Yabaal. Agaasime Sambalooshe ayaa B/weyne kula kulmay Xildhibaano heer Federaal ah,Odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale kana soo wada jeeda G/Hiiraan,is xog waraysi dheer ka dib Odayaashii iyo xildhibaanadii uu la kulmay Agaasime Sambalooshe ayaa si aad ah waxa ey uga mahadceliyeen dadaalka uu wado Agaasime Sambalooshe kaaso dhulka G/hiiraan looga xureynaayo gacanta Alshabaab.

ISHA/XAACSIMADDA.

HALKANKA AKHRISO.

Previous
Previous

150-JIIRAGAAN OO U SOCDAY ALSHABAB OO LA QABTAY.

Next
Next

AFHAYEENKA UNSOM OO KA HADLAY CODSIGA SOOMAALIYA.