AGAASIMAHA CIA OO BOOQASHO KU YIMID MUQDISHO.

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA HAYADDA CIA-da MARAYKANKA WILLIAM J BURNS.

(VILLA SOMALIA)-DEG DEG: Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Dibadda ee dalka Maraykanka CIA William J.Burns ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu booqasho kedis ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isagoo ka soo duulay caasimadda Kenya ee Nairobi. Agaasime Burns ayaa kulan gaar ah Madaxtooyadda kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Qaranka(NISA) Md.C/laahi Sambalooshe. Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyadda ayaa weli wax faahfaahin ah aan ka bixin booqashada kediska ah ee Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka ee CIA uu ku yimid dalka Soomaaliya. Ma aha markii ugu horeysay uu Muqdisho yimaado Agaasimaha CIA-da lana kulmo masuuliyiinta sar sare kana tirsan DFS, bishii Janaayo ee sannadkan-2024-ka ayey ahayd markii uu yimid Soomaaliya, waxa uuna xilligaas la kulmay Agaasimihii hore ee hayadda NISA Md.Mahad Maxamed Salaad iyo Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud, booqashadii Agaasime William Burns uu ku yimid Soomaaliya bishii Janaay-2024-ka ayaa waxaa daba socday soo saaridda liis dheer ey ku qoran yihiin shaqsiyaad Soomaali ah uu cunaqabateyn saaray dalka Maraykanka.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO…

Next
Next

XAMAAS OO ISKA DIIDAY XABAD JOOJIN.