AFRIKA OO U AFDUUBAN RUUSHKA
HOOYO AFRIKA JOOGTA.
(KENYA)-Dagaalka ka socdo dalka Yukrayn ayaa waxa uu raad fiican ku yeeshay nolosha dad badan oo ku kala nool caalamka dacaladiisa gaar ahaan waxa uu si aad ah u taabtay nolosha dadka eey horay u liidatay xaaladooda dhaqaale kuna kala nool Qaaradaha AASIYA IYO AFRIKA,waayo dalka Yukrayn ayaa ah dalka dunida inteeda badan u dhoofiya Qamadiga kaasoo siyaabo kala duwan looga faa’iidaysto. Madaxweynaha dalka Yukrayn Volodymyr Zelenskyy ayaa madaxdii la kulantay kana socotay Ururka Midawga afrika(AU)-da u sheegay in dhabta jirtaa eey tahay in Qaaradda Afrika u afduuban tahay dalka Ruushka taaso madaxweynaha uu ula jeedo in dalka Ruushka diidan yahay in la fasaxo Qamadiga la gaynayo Afrika kaaso laga dhoofiyo dekadaha Yukrayn.
ISHA WARKA AP.