AFRICA HOUSE OO ABAALMARIN GUDOONSIISAY…
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO LA GUDOONSINAAYO ABAALMARIN.
(DAVOS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa la Gudoonsiiyey Abaalmarinta Hogaamineed ee Afrika oo ey bixiso Africa House,munaasabad lagu qabtay magaaladda Davos ee dalka Switzrland. Abaalmarinta ayaa lagu maamusay Hogaaminta Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ee Horumarinta Dawlad Dhiska,dib u Xureynta iyo Hirgelinta Qorshaha Deyn Cafinta Soomaaliya. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud oo hadal ka jeediyey munaasabada uu ku gudoomay Abaalmarinta ayaa uga mahad celiyey Africa House tixgelinta iyo Qiimeynta ey ku sameeyeen Horumarka ey ku talaabsadeen Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. “Abaalmarinta waa aqoonsi ku aadan adkeysiga,Geesinimad iyo go’aan qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan Gudoomo Abaalmarintaan,Aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed”. Sidoo kale,munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay Guulihii ey gaartay Dawladda uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ee dib u dhiska Ciidamadda,Qaadista Cunaqabateynta Hubka ee mudada saarnaay dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika(EAC).
ISHA-VILLA SOMALIA.