ADEEGTO FILIBIN AH OO DISHAY ILMO KUWEYTI AH.

(SAWIRKA)-DIL FOOL XUN OO KA DHACAY KUWEYT.

(KUWAIT)-Fal dembiyeed si aad ah looga wada naxay ayaa ka dhacay dalka Kuweyt ka dib markii Adeegto u dhalatay dalka Filibiin ey dishay ilmo yar oo Kuweytiyaan ah,dilka ayaa u dhacay si arxan daran waxa eyna Adeegtada sameeysay in ilmaha yar ey ku riday Makiinadda dharka lagu dhaqdo dabadeedna ey ku shiday ilmihii yaraa oo ku jira,falkaan ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Sabaax AL-Saalim ee dalka Kuweyt,natiijada baaritaanka horudhaca ah ee la sameeyey ayaa muujiyey in Eedeysanada u sababeysay fal dembiyeedkeeda foosha xun ee ey gashay iyadoo dooneysay iney ka Aarsato hooyada dhashay ilamaha yar oo da’adiisa lagu sheegay iney tahay hal sano iyo bar,khilaaf soo kala dhexgalay awadiis. Baarayaasha degaanka Sabaax AL-Salim ayaa walaac ka qaba gabadha u dhalatya Filibiin iyadoo hadda uu ku socdo baaritaan,dhinaca kale,Warbaahinta ku sugan Kuweyt uma eysan suurtagelin iney wax xog ah ey ka hesho qoyska Ilmaha yar uu ka dhashay sababo la xiriiro qoyska oo ku jira xaalad Nafsi ah. Qoyska reer Kuweyt ayaa la yaabay qeylada ka soo yeertay ilmaha yar ey dhaleen oo dhawr bilood jiray,markaas ayey ku soo yaaceen oo ey ka saareen Makiinada dharka dhaqda isagoo xaaladiisu aad u liidato maadaama uu jirkiisu soo gaaray dhaawacyo aad u culus oo uusan u adkeysan karin muddo dheer,ilamaha yar ayaa geeriyooday inta aan la geyn Isbitaalka Isbitaalka Jaabir Axmed AL-Sabaax. Intaas waxaa dheer,dhacdadaan waxay ku soo beegantay seddex bilood kaliya ka dib markii uu wadanka albaabada u furay shaqaaleynta Filibiiniyiinta kaaso hakad galay muddo sannad ah. Dhacdada dilka ilmaha yar ayaa timid iyadoo shacabka Kuweyt ey gilgishay dhacdo aad u xanuun badan taaso ahayd in Adeegto Itoobiyaan ey gawracday gabar Kuweytiyaan ah maalmo uun ka harsan yihiin Arooskeeda.

ISHA-AA.

Previous
Previous

SHIRKADA DIYAARADAHA ETHIOPIAN AILINES OO LAGU…

Next
Next

DUQA CAASIMADDA MUQDISHO OO KULAN LA QAA…