80-DAGAALYAHAN OO LAGU DILAY…

QORAALKA DAWLADDA.

(MUDUG)-Wararka ka imaanaayo Maamulka Galmudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayo xoogaga degaanka iyo saaxibada caalamka ayaa si wadajir ah u qadeen weerar qorsheysan oo ku wajahan goob ey fadhiyeen kooxda Khawaarijta. Degaanka Shabeelow oo ah degaan u dhexeeyo Qaycad iyo Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa ah halka ey Khawaarijta fadhiga ka dhigatay waxaane kooxda halkaas looga dilay dagaalyahano gaaraayo ilaa 80-dagaalyahan waxaane halkaas looga qabsaday Hub iyo saanad fara badan oo ey goobta kaga carareen,maalmo ka hor ayey ahayd markii kooxda Khawaarijta ey iska soo dhiibeen 14-dagaalyahan kuwwaso hadda ku jiro gacanta DFS. Dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee ka socdo maamulka Galmudug ayaa maraayo heer gabgaba ah waxaane loo soo gudbi doonaa dhulka ey kooxdu kaga sugan tahay maamulka Galmudug.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

WEERAR LAGU QAADAY GIRI EY DEGANAYEEN..

Next
Next

ALSHABAAB OO QARAXA LA BEEGSATAY…