WAA KUMA MOUSSA FAKI?

download (2).jpeg

Moussa Faki Mohamed waxa uu dhashay 21/6/1960-kii waxa uuna ku dhashay magaaladda Biltine ee ku taalo Bariga dalka Jaad. Mr.Faki waxa uu wax ku bartay Jaamicadda Brazzaville ee dalka Jamhuuriyadda Koongo waxa uuna ku takhasusay Sharciga.

Mr.Faki 7/6/1982-dii ayuu dalka ka cararay ka dib markii uu xukunka dalka Jaad qabtay Xuseen Habre waxa uuna ku biiray Golaha Kacaanka Dimoqaraadiga ee uu madax u ahaay Alsheekh Ibn Cumar waxa uuna Mr.Faki dalka Jaad dib ugu soo laabtay ka dib markii eey heshiiyeen Alsheekh iyo madaxweyne Xuseen Habre sannadkii 1988-dii,wuxuune si dhab ah Mr.Faki ugu soo guuray dalkiisa Jaad 7/6/1991-dii waane markii uu xukunka dalka Jaad la wareegay Madaxweyne Idris Debbi waxa uuna Mr.Faki noqday agaasimaha guud ee laba wasaaradood ka hor inta uusan noqon agaasimaha guud ee shirkadda sokorta inta u dhexeeysay 1996-1999-kii.

Maarso-1999-kii ilaa 2002-dii Moussa Faki agaasimaha golaha wasiiradda ee madaxweyne Idris Debbi,markaas ka dibne Moussa Faki waxa uu noqday agaasimaha ololaha madaxweyne Idris Debi waxaane loo macaabay inuu noqdo wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka ee xukuumaddii R/W-Haaruun Kabadi 12/6/2002-dii,sannad ka dib Mr.Faki waxaa loo magaacabay inuu noqdo R/Wsaaraha dalka Jaad 24/6/2003-dii waxa uuna Faki xilka raysal wasaaraha iska casilay ka dib markii uu cadaadis kaga yimid awood qeybsiga dalka Jaad waayo Madaxweyne Debbi iyo raysal wasaare Faki waxa eey labaduba ka soo wada jeedaan goboladda waqooyi ee dalka Jaad.

19/1/2007-dii Mr.Faki waxaa loo magacaabay inuu xubin ka noqdo golaha dhaqanka,dhaqaalaha iyo bulshada waxaane loo doortay inuu madax ka noqdo golahaas bartamihii Febraayo-2007-kii. 23/4/2008-kii waxaa lagu dhawaaqay xukuumadii R/wasaare Yuusuf Saalax Cabaas waxaane Mr.Faki loo magcaabay inuu ka noqdo wasiirka arrimaha dibadda dalka Jaad.

30/1/2017-kii,Mr.Faki waxaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha ururka midawga afrika ka dib markii uu ka adkaaday Amina Maxamed(Kenya) waxa uuna xilka gudoomiyaha qabtay 14/3/2017-kii,waxaane booskiisii wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jaad loo magacaabay Xuseen Brahim Dhaha. Mr.Faki ayaa mar labaad waxaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha ururka midawga afrika afarta sano ee socoto.

Previous
Previous

MIDAWGA YURUB OO KA HADLAY ARRIMAHA SOOMAALIYA.

Next
Next

XILDH.PROF. DALXA OO SABAB U NOQDAY…