$25-MILYAN OO LAGU DHACAY 12-ILBIRIQSI,MA RUNBAA MASE WAA…?

(SAWIR)-KA.LACAGTA DOOLARKA MARAYKANKA.

(USA)-Inta badan wadamadda Horumaray waxaa ka jira farsamooyin naadir ah oo la arko mararka qaarkood ka dib marka dad lagu waxyeeleeyo,dalka Maraykanka waxaa ka dhacday arrin cajiib ah ey sameeyeen laba wiil oo isla dhalatay Anton Pirari Bueno oo 24-jir iyo James Piarae Bueno oo isna 28-jir ah,labadaan wiil ee walalaha ah ayaa wax ka barto Jaamicadd ugu caansan Maraykanka,wiilashaan ayaa lagu soo eedeeyey iney 12-ilbiriqsi gudahood ku xadeen lacag lagu sheegay iney dhan tahay 25-Milyan oo Doolarka Maraykanka ah. Xatooyadda ey sameeyeen wiilashaan walaaalaha ah ayaa dalka Maraykanka ka noqotay mid dhalisay hadal hayntii ugu badneed gudaha dalka Maraykanka,halka lacagta laga xaday loona adeegsaday farsamo aan horay loo arag ayaa ah CRYPTOCURRENCY,qabashada ragaan ayaa waxaa gacan weyn ka gaysatay Hayadda Dakhliga Gudaha ee dalka Maraykanka loona yaqaano IRS. Dacwad oogayaasha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in labadaan wiil ee isla dhalatay oo wax ka barta Machadka Teknoolojiyadda ee Massachusetts ee dalka Maraykanka iney dembigaan galeen bishii Abriil sannadkii 2023-kii.

ISHA/BBC.

SII AKHRI.

Previous
Previous

REYSUL WASAARAHA SLOVAKIA OO SOO CAAFIMADAYA.

Next
Next

MAXKMADDA DARAJADA KOOBAAD EE CIIDAMADDA QS OO XUKUN KU…