177-QOF OO KU DHIMATAY DIYAARAD KU…

(SAWIRKA)-BURBURKA DIYAARADDA K/KUURIYA.

(SEOUL)-Diyaaradda Jeju Air oo siday 181-rakaab ah oo ka soo kicintintay Bangkok ayaa ka baxda dhabaha ey diyaarduhu ku ordaan,waxaane dab qabsaday markii ey ku degaysay Garoonka Caalamiga ah ee Muan,sida ey sheegtay Warbaahintu maanta oo Axad ah. Tuuwarka xakameynta ayaa ka digay shaqo-joojin shimbireed muddo hal daqiiqa ah ka hor inta aaney diyaaradu soo degin dhicine shilka,ayey yiraahdeen maamulka Maxaliga ah. Dawladda Kuuriyadda Koonfureed ayaa shaaca ka qaaday in 177-Qof oo rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda ey dhinteen,laba qofoodne waa la la’ayahay,labane waa la badbaadiyey ka dib markii ey diyaarad ku burburtay Garoonka Caalamiga ah Muan,iyadoo uu weli socdo baadi goobka dadka weli la la’ayahay. Goor sii horeysay, saraakiisha waaxda deb demiska Jeolla oo warbixin siiyey qoysaska rakaabka ee ku sugnaay Garoonka ayaa sheegay in “181-Qof oo ka mid ah rabaaka diyaaradda intooda badan loo maleynaayo iney geeriyoodeen,marka laga reebo labada shaqaale ah,kuwaaso la soo badbaadiyey”ayey ku warantay Wakaaladda Wararka ee Yonhap. Diyaaradda burburtay ayaa nuuceedu ahaa BOING 737-800 oo ey maamusho Jeju Air,waxa eyna siday 181-qof oo rakaab ah oo ey ku jiraan lix shaqaale ah,diyaaradda ayaa dab qabsaday markii ey degaysay,waxaane la sheegay in diyaaradda ey la kulantay arrimo ku saabsan khalal qalabka xukuma degitaanka diyaaradaha ee garoonka Muan kaaso 288-kiilomitir dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaaladda caasimadda ah ee SEOUL.

ISHA-AA

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA

Previous
Previous

MW-LAFTAGAREEN OO SAMEEYEY MAGACAABIS IYO…

Next
Next

GACAN KU DHIIGLAYAAL LA SOO QABTAY.