100,000-QOFOOD OO LAGA MUSAFURIYEY TURKIGA.

SAWIRKA MUHAAJIRIINTA LAGA MUSAFURINAAYO TURKIGA.

(ANKARA)-Wargayska Daily News kana soo baxa dalkaasi Turkiga ayaa waxa uu wax ka qoray tirada dadka muhaajiriinta ah ee laga musaafuriyey dalka Turkiga,hadaba wargayska ayaa tibaaxay in tirada muhaajiriinta aan sharciga ahayn ee laga musaafuriyey dalka Turkiga marka laga soo bilaabo horaantii sannadkaan 2022-ka ey gaarayaan 100,000-qofood sida uu sheegay agaasimaha guud ee maamula Muhajiriinta.Dalka Turkiga ayaa musaafuriyey dad gaaraayo 101,574-qofood oo wada ah muhaajiriin aan sharci ahayn marka laga soo bilaabo sannadkaan 2022-ka,tirada la musaafuriyey waa ey korortay oo waxa ey gaartay 152% marka la barbardhigo tiradii la musaafuriyey sannadkii hore 2021-kii,kororka tirada muhaajiriinta la musaafuriyey ayaa 212% waxa ey yihiin dad reer Afgaanistaan ah,32% waa reer Bakistaan iyo 190% oo wada ah dad ka soo kala jeedo wadamo kala gedisan laakinse tirada muhaajiriinta aan sharciga ahayn ee laga musaafuriyey dalka Turkiga marka laga soo bilaabo sannadkii 2016-kii ayaa tiro ahaan ku dhaw 427-kun qofood halka tirada muhaajiriinta aan sharciga ahayn ee laga musaafuriyey wadamada yurub ey dhan tahay 10%,dalka Turkiga kaligiisne ey dhan tahay 69%.

ISHA WARKA DAILY NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO BIXINAYO 10-MILYAN DOOLAR OO…

Next
Next

MIDAWGA YURUB IYO IRAAN OO ISKU DHEGAN.