10-QOF OO LAGU DILAY AFGAANISTAAN.

(SAWIRKA)-MEYD LA AASAAYO.

(AFGHANISTAN)-Ugu yaraan 10-Qofood ayaa lagu dilay Gobolka Baghlan ee dalka Afgaanistaan ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dad SUUFI ah oo ka qeyb qaadanayey cibaado todobaadle ah oo lagu cibaadeysto,sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Afgaanistaan maanta oo Jimca ah. Faahfaahinta weerarka ilaa hadda ma cada balse Wasaaradu waxa ey sheegtay iney wado baaritaano lagu ogaaanayo qaabka uu u dhacay weerarka iyo in la ogaado cidda ka dambeysa,dhacdadaan ayaa ka dhacday Demada Nahrin ee fog ee dalka Afgaanistaan. “Nin ayaa rasaas ku furay dad Suufi ah oo ku hawlanaay cibaado todobaadle ah goob ku taalo Degmada Nahrin,isagoo dilay toban qofood”,afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Taalibaan Cabdul Matin Qani ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AFP.

ISHA-YN.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

42-QOFOOD OO LAGU DILAY BAKISTAAN.

Next
Next

GEN.AKOL OO LA DILAY KA DIB AFGEMBI UU ISKU DAYEY.