SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YEMEN: QARAX LAGU DILAY WARIYE.

BAABUURKII WARIYE XAYDARI.

(YEMEN)-Tan iyo markii eey kooxda Xuutiyiinta xooga ku qabsadeen caasimadda Sanca ee dalkaasi Yemen waxaa jiray dad fara badan oo isaga tegay magaaladda una guuray magaaladda Cadan ee ku taalo koonfurta dalkaasi Yemen,dadka halkaas u wareegay ayaa isugu jiro masuuliyin horay u soo qabtay xilal iyo saxafiyiin naftooda la cararay,waxaane magaaladaasi Cadan dhawr jeer Xuutiyiintu ku soo weerareen gentaalo kuwaaso geystay dhibaatoyin naf iyo maalba leh. Sida laga soo xigtay masuuliyiin reer Yemen ah wariye u dhashay dalka Yemen ayaa waxaa lagu dilay qarax loogu xiray baabuurkisa gudaha magaaladda Cadan ee koonfurta dalkaasi Yemen warkaan ayey xaqiijisay xukuumada Yemen maanta oo Khamiis ah. wasiirka warfaafinta xukuumadda Yemen Mucamar Al-iryaani ayaa si cad uga hadlay sida loo dilay wariye Saabir Al-xaydari waxa uuna wasiirku sheegay in qaraxa ahaay mid wariyaha loogu dhejiyey baabuurkiisa,wariye Xaydari ayaa u shaqeynaayey telefishan laga leeyahay dalkaasi Japan lana yiraahdo NHK-Tv,qaraxa lagu dilay wariye Xaydari ayaa waxa uu dhacay habeenimadii Arbacadii shalay ahayd,wariyahaan ayaa ka mid ahaay wariyeyaal isaga soo cararay caasimadda Sanca waxa uuna soo gaaray magaaladda Cadan sannadki 2017-kii,ma jirto cid sheegatay ilaa hadda dilka wariye Xaydari.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.