(YEMAN):QARAX GAAS KA DHASHAY OO DAD KU DHINTEEN.
(SAWIRKA)-GOOBTA QARAXA GAASKA KA DHACAY.
(NASIFA-YE)-Wararka laga helaayo Goblka AL-Beyda’a ee dalka Yeman ayaa sheegaayo in tobaneeyo qofood oo mawaadiniin Yeman ah ey ku dhinteen qaar kalane ey dhawaacmeen habeenimadii xalay oo Sabti ahayd ka dib markii Qarax uu ka dhacay goob lagu iibiyo Gaaska cuntada lagu karsado degaanka AL-Nasifa ee hoostaga degmada AL-Zaahir ee Gobolka AL-Beyda’a,degaanka wax ka dheceen ayaa ku yaalo xuduuda maamulka degmada AL-Xad ee Yaafic G/Laxaj. Wararka ayaa intaasi ku daraya,in ilaa hadda aan la ogayn tirada rasmiga ah ee dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi,iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dameysa Qaraxaas,waxaa la xaqiijiyey in ku dhawaad 30-ruux ey ku dhinteen kuna dhaawacmeen shilkaasi,maadaam goobta ey ku tiil gudaha Suuq aad u mashquul badan. Ku-Xigeenka Gudoomiyaha G/AL-Bayda’a Axmed Maxamed Xumeyqaani ayaa sheegay in Qaraxa ka dhacay xarunta Gaaska cuntada lagu karsado uu ka dhashay rasaas ey ciidamadda ku fureen gaari,waxaane xarunta Gaaska haleeshay Rasaas wiifta ah oo sababtay Qarax. AL-Xumeyqaani oo soo xiganaayo ilo caafimaad oo rasmi ah ayaa xaqiijiyey in tiro koobkii ugu horeeyey ee dadkii ku waxyeeloobay ey gaartay ilaa 47-xaaladood oo loo gudbiyey Isbitaalka AL-Thawra ee AL-Bayda’a iyo 45-xaaladood oo loo gudbiyey Isbitaalka Labuus ee Yaafac,marka lagu daro 5-xaaladood aan la aqoonsan. Meydadka ayaa loo gudbiyey Isbitaalka AL-Nasifah. Dhibaatadaan ayaa imaaneyso waqti uusan dalka Yeman lahayn dawlad kafaala qaada Amniga shacabka iyo xasiloonidiisa,halka ey wax ka dheceen ayaa maamul ahaan waxa ey hoos timaadaa Xuutiyiinta mana ey ka jiraan wax adeeg ah oo dhinaca caafimaadka ah,sidaas darteed dadka waxa ey u dhiman karaan daryeel la’aan caafimaad waqti kasta uu shil dhaco.
ISHA-AO.